Gabar 5 sano jir Soomaali ah oo la aaminsanyahay in lagu dilay Avesta

6

Gabar 5 sano jir ah oo lagu magaacao Sihaam Yusuf  Omar ayaa isbuucaan la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay iyadoo markii dambe sihammaydkeeda laga helay Hadh ku taala magaalada Avesta ee gobolka Dalarna. Waalidiinta gabadha yar ayaa aaminsan in gabadhooda si kas ah loo hafiyay halka boolisku ay sheegeen in aysan wali hubin sababta ka dambeyga geerida gabadha yar.

Gabadha yar ayaa la sheegay in ay keligeed aadi jirtay goobta ay caruurta ku ciyaaraan oo ku taala guriga hortiisa iyadoo maalintii axadii ay markii cid ugu wardambeysay caruurta la ciyaaraysay. Markii la waayay ayaa hooyada waxay telefoon u dirtay aabaha oo lagu magacaabo Yusuf Omar oo ku nool magaalo kale. Isla markii booliska la wacay ayuu bilowday baadigoobta balse maalintii isniinta ayaa gabadha yar meydkeeda laga helay Harta lagu magacaabo Lumsen.

Dhacdadaan ku dhacday waalidiinta soomaaliyeed ayaa ah mid naxdin leh iyadoo horay uu uga geeriyooday wiilkooda cudur dartiis. Haddii ay geerida gabadha yar ka dambeyso dil ayay arintaan tahay mid xanuun badan. Sababta loo dilayo 5 sano jir ayaa ah mid aan gali karin caqliga bani’aadamka balse waxaa hubaal ah in ay jiraan dad aan lahayn damiir bani’aadanimo. In ay jiraan dadka nuucaas ah ayaa waxaa tusaale u ah in midka mid ah taageerayaasha cunsuriyiinta SD uu internetka ku soo qoray “Siham waa la dilay, taasi waa 1 soomaali ah oo Sweden ka yaraaday”. Wararka qaar ayaa sheegaya in goobta caruurtu ay ku ciyaaraan dhowr maalmood lagu arkay nin aan la aqoonsan.

Waxaan leenahay waalidiinta Soomaaliyeed ilaahay samir iyo imaan ha idinka siiyo. Idinkana kuwii ku waano qaata Allah ha idinka dhigo. Dhimashadu waa Xaq.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here