Xisbiga cunsuriga SD oo soo bandhigay sida ay ku xalinayaan rabshadaha soo galootiga

12

Xisbiga cunsuriyiintu ay ku mideysan yihiin ee lagu magacaabo Sverigedemokraterna (SD) ayaa soo bandhigay 5 qodob oo sd-åkessnaasaas u ah sida lagu xalinayo rabshadaha ka dhaca xaafadaha soo galootiga iyo guud ahaan siyaasadooda ku aadan soo galootiga. Gudoomiyaha xisbiga SD Jimmie Åkesson ayaa wargeyska Aftonbladet ku qoray qorshiisa oo uu ku soo koobay 5 arimood oo kala ah.

1. In ay aad u yareynayaan soo galootiga qaasatan kuwa ay adagtahay in ay bulshada dhexgalaan (Soomaalida?).

2. Maadaama dadka la siiyo cayr iyo daryeel soo dhaweyn  ayuu sidoo kale sheegay in la doonayo in la saaro shuruudo, shuruudahaas ayaa waxaa ka mid ah in dadka qasab looga dhigo in ay dhameeyaan SFI oo degdeg ay ku dhameeyaan,iyadoo qofka aan fulin shuruudaha laga goynayo lacagta. Sidoo kale waxa uu sheegay in la adkeeyo qaadashada baabsaboorka.

3. Waalidiinta ayuu sheegay in culeys badan la saarayo, iyadoo waalidiinta ay caruurtooda ka qeyb qaataan rabshadaha laga goynayo lacagta caruurta (Barnbidrag). iyo in qasab looga dhigo in ay galaan waxbarasho waalidnimo

4. In meesha laga saaro xoriyada ay magangalyo doonka ku dooran karaan halka ay wadanka ka degayaan, iyagoo loo doorayo magaaladii ay dagi lahaayeen.

5. In booliiska la siiyo awood dheeri ah oo aysan wax wadahadal ah la galin kuwa rabshadaha samaynaya,.

Qorshaha Jimmie Åkesson ayaa ku dhisan fikrada SD ee ku salaysan naceybka soo galootiga. Hadalkiisa ayaa waxaa ku qarsoon in uusan doonayn dadka aan Swedishka ahayn in ay wadankaan joogaan. Qaasatan hadalkiisa ayuu ula jeedaa Muslimiinta iyo qaasatan Soomaalida oo uu marar badan ku tilmamay dad aysan macquul ahayn in ay bulshada dhexgaaln.

Sidoo u aragtaa arintaan….

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here