Wiil Soomaali ah oo bilad u soo hooyay Sweden

7

Oradyahanka Soomaaliga ah ee lagu magacaabo Mustafa Mohamed ayaa bilad dahab ah u soo hooyay Sweden ka dib markii uu Mustafa-Mohamedkaalinta 4-aad ka galay tartanka orodada Stockholm Marathon.  Mustafa ayaan aad ugu farxin natiijada uu soo hooyay. Tartanka ayaa waxaa kaalinta 1-aad ka galay Shumi Gerbaba oo ka socday Ethiopia.

Mustafa ayaa sheegay in dhamaadkii orodka in uu dareemay daal iyo socon waayaa. Markii uu gaaray goobta dhamaadka ayuu mudo 20 daqiiqo ah waxa uu ku sugnaa neef qaadasho, isagoo ku tilmaaamay orodkaan midkii ugu xumaa. Sababta keentay daalka ayuusan cadeyn isagoo sheegay in uu si fiican u tababartay.

Si kataba ha ahaatee Mustafa ayaa ku guuleystay bilad dahab ah. Bisha Augusti ayuu sidoo kale Sweden ku matali doonaa tartanka orodada ee lagu qaban doono Mosko, Ruushka.

Sidoo kale Sweden ayaa waxaa matalaysay dhinaca dumarka gabadha ka soo jeeda Kenya ee lagu magacaabo Isabellah Andersson iyadoo si sahal ah ku gashay kaalinta 1-aad ee orodka Stockholm.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here