Stockholm: Wiil Soomaali ah oo la baafinayo

4

Wiilka lagu magacaabo Ahmed oo 29 sano jir ah ayaa waxaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay 4-dii bishii Maarso ee la ahmedsoo dhaafay. Ahmed ayaa markii dad ugu wardambaysay waxa uu ku sugnaa xaafada Fisksätra ee ka tirsan Kamuunka Nacka, Stockholm. Boorsadiisii ayaa laga helay maktabada Nacka 8-dii bisha Maarso  iyadoo aan wax dambe laga maqal.

Ahmed ayaa wararka qaar sheegayaan in uu mudo ku noolaa waqooyiga Sweden. Hadaba Soomaalida Sweden ku nool waxaa laga codsanayaa in ay soo gudbiyaan wixii macluumaad ah ee ay ka ogyihiin Ahmed. Fadlan haddii aad aragtay wiilkaan ama aad ogtahay cid garanaysa noo soo gudbi warbixinta ama la xiriir booliska adiga oo wacaya telefoonka 114 14.

Fadlan sidoo kale warbixintaan gaarsii asxaabtaada iyo qaraabadaada.

Baafinta wiilkaan ayaa lagu daabacay bogga dadka la waayay ee lagu magacaabo Missing People Sweden. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here