Ajaanibta oo faa’iido soo galiya Sweden

4

Cilmi baaris uu sameeyay ururka ay ku midaysan yihiin wadamada qaniga ah ee loo yaqaan (OECD – Organisation for Economic Co-operation and Development) ayaa lagu soo bandhigay insomalier-i-Sverige soo galootiga ku nool Sweden ay wadanka soo galiyaan qarash ka badan midka ku baxaya iyaga. Warbixinta ayaa laga soo ururiyay 27 wadan oo ka tirsan ururkaan.

Sweden ayaa qaasatan lagu soo bandhigay warbixinta in dadka soo galootiga ah ay isku celcelis wadanka soo galiyaan 1000kr oo faaiido ah reerkiiba. Qaasatan dadka soo galootiga ah ee aan haysan dhalashada Sweden ayaa soo galiya faa’iidada ugu badan wadanka maadaama aysan xaq u lahayn lacagta dadka waaweyn.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in haddii Sweden ay siyaadiso tirada soo galootiga ee shaqaysa ay aad u siyaadayso faa’iidada ay soo galiyaan wadanka. Lacagaha la xisaabiyay ayaa ku dhisan canshuuraha ay bixiyaan soo galootiga.

Warbixintaan ayaa waxay wajigabax ku tahay cunsuriyiinta ku dooda in soo galootiga Sweden ay kaga baxdo lacag badan oo qasaaro keliya ay ugu sugantahay wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here