Waa maxay Valentine’s Day? Maalinta Jaceylka?

16

14-kii bishaan Februari waa maalinta loogu yareeyo Valentine’s Day ama Maalinta Jaceylka aduunka. ValentineHadaba waxaan eegayaa taariikhda iyo asalka maalintaan.

Maalinta Valentine’s Day oo aduunka si aad ah looga xuso ayaa taariikhdeedu waxay tahay mid ku dhisan been iyo hal abuur aan sal ku lahayn sida loo dabaal deggo maalintaan. Wadamada reer galbeedka ayaa maalintaan lagu xusaa in dadka isjecel ay ubaxyo iyo shukulaato isweydaarsadaan. Waa maalin ay shirkaduhu si weyn uga faaidaan.

Waqtigii hore ayay maalintaan ahayd “St. Valentine” oo ah maalin ka mid ah ciidaha Kiristaanka oo lagu xusayo nin lagu magacaabo Valentinus. Dhamaan waxyaabaha ku dhisan jecaylka iyo sheekooyinka la xiriira galgacalka ee lala xiriiriyo maalintaan ayaa ah kuwo la alifay dhowr qarni ka hor.

Kaniisada Romanka ayaa go’aansaday qarnigii la soo dhaafay in ay ka saarto liiska ciidahooda maalinta Valentine maadaama ay sheegeen aan waxbadan laga aqoon baadariga lagu maamuusayo maalintaan. Sida ay ku timid in jaceylka lala xiriiriyo maalintaan ayaa la sheegaa in ay ka dambeys hadal la alifay oo ah in dowladii Romanka ay ku amartay ragga in aysan guursan si ciidanka aysan uga bixin iyo ninkaan Valentine oo la sheego in uu ahaa baadari diiday amarkaas. Si kastaba ha ahaatee, sheekadaas ayaa lagu sheegaa been abuur.

Waxaa la yaab ah maalinta nuucaas ah oo taariikhda nuucaas leh in ay maanta noqotay maalin dad badan ay isugu hambalyeeyaan. Bal horta haddii loo hadlo si caadi ah yaa u sameeyay jaceylka maalin gooni ah, soo ma ahan in maalin kasta lays jeclaado? oo aad maalin kasta u iibiso jaceylkaaga hadiyado iyo ubaxyo?

Marka laga soo tago midaas, ayaa waxaa ka sii cajiibsan in Muslimiinta ay u dabaal dagaan maalintaan iyaga oo qaarkood ogyihiin qaar badana aysan ogeyn in maalintaan aysan wax sal iyo raad ah ku lahayn dhaqankeena iyo diinteena.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here