Laanta Socdaalka oo soo daabacday isbedalka lagu sameeyay shuruuda labo sano

34

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa noo soo gudbisay macluumaad ku saabsan isbedalka lagu sameeyay aragtidamigrationsvket ku aadan shuruuda labada sano. Shuruudaan oo aan horay u ahayn mid ku qoran sharciga ayaa hada gacanyarayaasha Laanta Socdaalka waxaa loo gudbiyay macluumaad ku saabsan sida ay ula dhaqmayaan dadka caruurta leh ee aan horay u wada noolayn labo sano.

Warqada naloo soo gudbiyay ayaysan meelka ku oolin shuruuda 2 sano balse waxaa ku cad in marka la baarayo kiiska reer la midanayo isla markaana aan horay u wada noolayn mudo dheer ay shuruuda koowaad tahay in ay caruur wada leeyihiin, haddii ay caruur leeyihiin ayay warqada ku cadahay in la raacayo go’aankii maxkamada ee ahaa in loo fududeeyo dadka caruurta shuruuda aqoonsiga oo laga qaadayo DNA.

Warqada ayaa sidoo kale waxaa ku cad in haddii caruurtu ay dhasheen ka dib markii mid ka mid ah waalidiinta u soo guuray Sweden ay laftooda mudanyihiin in loo fududeeyo shuruuda aqoonsiga oo aan lagu xirin wax shuruud wada noolaasho hore ah. Qodobkaan ayaa ah mid muhiim ah. Waxaa muhiimada la siinayaa xaqa caruurtu ay u leeyihiin in ay waalidkood la noolaadaan.

Isbedalka ay sameeyeen Laanta Socdaalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii cabashooyin badan ay ka yimaadeen waalidiin badan oo lagu xiray in ay 2 sano wada noolaayeen xitaa iyaga oo caruur leh. Hada ayaa Laanta Socdaalka si toos u cadeysay in waalidiinta caruurta leh aan lagu xirin shuruud nuucaas ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here