Sweden oo laga yaabo in ay fududeyso sharciga badalaada magacyada

10

Gudi ay dowlada Sweden u xilsaartay in ay baaritaan ku sameeyaan sida loo fududeyn karo sharciyada la xiriira badalaada Beatrice-Askmagaca ayaa soo bandhigay qorshahooda kaasoo lagu muujiyay in aad loo fududeeyo sharciyada la xiriira in dadku magaca iska abdali karaan.

Qorshaha oo loo soo bandhigay wasiirka cadaalada Sweden Beatrice Ask ayaa lagu soo bandhigay in la fududeeyo in qofka uu magaca iska badali karo inta uu doono isla markaana uu qaadan karo labo magac oo dambe. Dadka ayaa xoriyad loo siinayaa in ay magac kasta qaadan karaan haddii ay ugu yaraan 2000 qof ay magacaas horay u isticmaalaan. Dadka ayaa sidoo kale xoriyad loo siinayaa in ay yeeshaan labo magac oo dambe (efternamn).

Wasiirka cadaalada ayaa soo dhaweysay qorshahaan. Haddii ay dowlada Sweden go’aansato in ay hirgaliso sharcigaan ayuu u noqonayaa fursad weyn dadka doonaya in ay iska badalaan magacooda, qaasatan Soomaali badan oo wadankaan ku jooga magacyo aysan lahayn.

Gudiga ayaa dhinaca kale soo bandhigay in dadka aan loo ogolaan in ay iska qaataan magaca kasta oo ay doonaan, magacyada qaaska ah ee ay leeyihiin familada taariikhda muhiimka ku ah ayaan la ogolaan doonin in qofkasta iska qaato. Sidoo kale waalidiinta ayaa la doonayaa in ay caruurtooda u bixiyaan magacyo aysan dhibaato kala kulmayn mustaqbalka.

Sidee u aragtaa qorshahaan? Ma iska badalaysaa magaca aad hada ku joogto Sweden? Ku darso fikradaada…

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here