Stockholm: Nin labo sano ka badan mayd ku ahaa gurigiisa

5

Stockholm ayaa laga helay nin gurigiisa mayd ku ahaa labo sano. Ninkaan oo ay heleen shaqaalaha guryaha ayaa la sheegay in stockholmuu yaalay gurigiisa oo nadiif ah mudo 2 sano ah. Booliska ayaa arintaan ku tilmaamay mid ay sababtay dhaqanka bulshada Sweden.

Ninkaan oo la sheegay in uu ahaa 50 jir ayaan lahayn wax qaraabo ah isla markaana aan shaqayn jirin. “Waa arin aad looga xumaado. dadku waqtigaan isma daryeelaan. Ninkaan ma jirto cid u xiistay ama ka warqabtay” ayuu yiri Claes Björnefelt oo ka tirsan booliska Stockholm.

Waxaa cajiib ah in ninkaan aysan xitaa dareemin shirkada iska leh guryaha, sababtoo ah in kirada guriga toos akoonkiisa looga goosanayay bilkasta. Shirkada guryaha ayaa markii ay go’aansadeen in ay dayactiraan guriga ninkaan ayaa laga helay maydkiisa, booliska ayaa aaminsan in ninkaan uu geeriyooday sanadkii 2011.

Arintaan cajiibka ah ayaan ahayn midii ugu horeysay iyadoo ay horay u dhacday in dad waayeel ah guryahooda laga helay iyaga oo mayd ah mudo dheer ka dib.

Waxay muujinaysaa fashilka ku yimid bulshadaan casriga ah ee aan la noolnahay, iyadoo dadkii ay ilaabeen qiimaha ay leedahay qaraabada iyo familka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here