Rabshadaha Husby: In la gubo baabuurta ma xal baa?

14

Xaafada Husby oo ku taala duleedka Stockolm ayaa maalmihii la soo dhaafay ahayd mid xaaladeeda ay aad u kacsantahaypolis-rinkeby, iyadoo dagaal joogto ah uu dhexmaray dhalinyarada xaafada iyo ciidamada booliska Sweden. Dhalinyaradaan oo la sheegay in ay ka careysanyihiin nin oday ah oo ay boolisku ku dileen xaafadaas isbuucii hore ayaa qarbudaad u geystay baabuur ka badan 100.

Labo habeen oo isku xigta ayaa xaafadaas waxaa hareereeyay booliska, iyadoo ay dhalinyarada dhagaxaan iyo dhalooyin lagu shubay baasiin ku weerareen booliska. Dadka xaafada ku nool ayaa sheegay in aysan dhalinyarada ka careysnayn dilka ninka odayga ah oo keliya balse ay guud ahaan ka careysanyihiin xaalada shaqo la’aanta ee ka jidha xaafadaha soo galootiga.

Xaafadaha ku dhow Husby sida Rinkeby iyo Tensta ayay marar badan ka dhacday xaalad la mid ah midaan iyadoo dhalinyarada ay gubeen baabuur iyo iskuulada. Hadaba ma xal baa in la qurbado baabuurka iyo iskuulada?

Si kasta oo looga caroodo ficilada booliska ama shaqo la’aanta ayaysan marnaba ahayn mid la aqbali karo ama marmarisiyo laga dhigan karo in lagu kaco ficilada rabshadaha wata ee ay samaynayaan dhalinyada. Waalidiinta iyo dadka xaafadahaas ku nool ayaa la doonayaa in ay meel cad uga soo jeestaan ficilada gurucan ee ay ku kacayaan caruurtooda.

Qofka ku noolaa amaandarada ayaa dareemi kara qiimaha ay leedahay xasiloonida. Waa in lagu xaliyaa wixii eedeymo ah qaab nabadeed iyo wadahal balse in la gubo baabuurta dadka iyo in la weeraro booliska iyo dabdamiska ma ahan mid xal keeneysa balse waxay siyaadinaysaa sawirka foosha xun ee laga aaminsanyahay xaafadaha soo galootiga.

Sidee u aragtaa adigu? ku darso fikradaada…

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here