Maxkamada Yurub oo sheegtay in Soomaalida lagu celin karo Talyaaniga

11

Maxkamada sare ee xuquuqul insaanka ee Yurub (European court of human rights) ayaa go’aan cusub oo ay soo saartay maxkamada-europesheegtay in aysan dhibaato la kulmayn magangalyo doonka faraha ku leh Talyaaniga ee wadankaas lagu celiyo. Go’aanka maxkamada oo ka dambeeyay dacwo ay gudbisay gabar Soomaali ah ayaa culeys ku noqonaya dadka faraha Talyaaniga ku leh ee iska dhiibay wadamada kale ee Yurub qaasatan Sweden.

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamada iyagoo bogooda ku qoray in ay sii wadi doonaan musaafurinta dadka faraha ku leh Talyaaniga ee iska dhiibay Sweden.

Go’aanka maxkamada Yurub ayaa yimid ka dib markii sanadkii 2010 ay gabar Soomaali ah oo fara ku leh Talyaaniga iska dhiibtay wadanka Holland. Ka dib markii la diiday ayay racfaan u gudbisay Maxkamada Yurub oo bishii April 2013 go’aan ku sheegtay in xaalada dadka Magangalyo doonka ah ee iska dhiibay Talyaaniga aysan ahayn mid adag. Maxkamada ayaa sheegtay in gabadhaan ay talyaaniga ku leedahay sharci degenaansho kaasoo xaq u siinaya in ay hesho adeegyada bulshada ee ay helaan dadka kale ee ku nool Talyaaniga.

Maxkamada ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameeyeen xaalada isla markaana aysan helin dhibaatooyin qaas ah oo talyaaniga ay kala kulmaan dadka magangalyo doonka ah. Si kastaba ha ahaatee, Soomaalida faraha ku leh Talyaaniga ee aan la kulmay ayaa sheeganaya dhibaatooyin balaraan iyo daryeel la’aan ay kala kulmaan talyaaniga.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here