Maxaa ka qaldan dhalinyada Soomaalida ee ku nool Sweden?

24

Bilihii la soo dhaafay waxaan u badnaa dhinaca Stockholm oo aan u tago arimo shaqo, Stockholm oo ah magaalada ay ku RINKEBYnoolyihiin Soomaalida ugu badan Sweden ayaa sidoo kale ah magaalo aad ku arkayso ceebta ugu badan ee Soomaalida. Maalmaha aan Stockholm tago ayaan mararka qaar waxaan booqasho ku tagaa xaafadaha Soomaalida sida Rinkeby, Tensta iyo Akalla.

Waxyaabaha aan ku arkay Stockholm ayaa waxaa runtii iigu xanuun badan dhaqanka dhalinyarada Soomaalida qaasatan kuwo ku koray wadankaan. Waxaad arkaysaa iyaga oo koox u taagan goobaha tareenada laga raaco oo aflagaadeynaya dadka shacabka ah, ama qaylinaya. Camal la’aan ayaa keentay in dhalinyaradaan ay la soo baxaan dhaqan gangistarnimo oo foolxun iyaga oo qaarkood aysan arkin gaangaastarnimada dhabta ah ee ka jidha Somalia.

Waxaad isweydinaysaa halka  ay wax ka qaldan yihiin. Waalidiintii soo korisay dhalinyaradaan maxaa ku dhacay? Waxaa guud ahaan qaldamay  qaabka dhaqanka, socodka iyo hadalka ee dhalinyarada. Waxaad arkaysaa dhalinyaro marka uu soconayo geesgees u liicaya oo aad leedahay war ninkaan ma dhabarka ayaa laga hayaa? mise waaba xarago iyo ha la’iarko. Marka ay wada hadlayaan ayaan areyga “fy fan” iyo waxa la mid ah uusan ka dhamaan afkooda.

Dhaqan xumada dhalinyada ayaa keentay in ay magac xumo u gasho guud ahaan Soomaalida ku nool wadanka. Dhalinyarada Somalida oo lagu yaqaanay sharaf iyo firfircooni ayaa hada lala xiriiriyaa dambiile nimo, gufsi iyo mashaqaystayaal. Hadaba yaa ka masuul ah dhibaatadaas? Waalidiinta Soomaalida maxay leeyihiin marka loo bandhigo mowduucaan? Maxaad wadankaan caruur u keenaysaa ama ugu dhalaysaa haddii aadan dhaqankooda toosin karin?

Waa su’aalaha muhiimka ah ee la doonayo in ay ka jawaabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurta ku dhalay ama keenay wadankaan. Magacxumo iyo dambiile nimada waxay keenaysaa in iyaga uu mustaqbalka ka dhumo inagana ay nooga ciyaaraan magaca Soomaalida. Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah waalidiinta ay eedeeyaan Dowlada Sweden iyo shaqo la’aanta balse xaqiiqada ayaa ah in adiga aad masuul ka tahay caruurtaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here