Laanta Socdaalka oo joojinaysa shuruuda 2 sano

43

Warbixin hoose oo naga soo gaaday Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa muujinaysa in ay joojinayaan shuruudiimigrationsverket-somaliska adkeyd ee lagu xiray dadka u dacwoonaya reerahooda oo ku saabsanayd in reerku ay horay u wada noolaayeen 2 sano inta uusan mid ka mid ah imaan Sweden.

Shuruudaan oo culeys weyn ku noqotay Soomaali badan isla markaana qaar badan ay diidmo ku qaateen, ayaa markii horeba waxay ahayd mid aan ku qornayn sharciga Sweden. Inkastoo ay sharciga ku qornayd in reerku ay horay u wada noolaayeen inta aysan Sweden soo galin ayaysan hadana meelna ku cadayn tirada 2 sano.

Warbixinta i soo gaadhay ayaa hada sheegaysa in Laanta Socdaalka ay joojinayso in dadka ay ku xidho in labo sano ay horay u wada noolaayeen. Hadaba isbedalka ay samayn doonaan oo faahfaahsan iyo wixii kale oo cusub waxaan soo daabici doonaa marka aan warbixinta oo rasmi ah ka helno Laanta Socdaalka.

Bilowgii sanadkaan ayay ahayd markii ay Laanta Socdaalka noo sheegeen in ay isbedal ku samayn doonaan arintaan dhibaatada ku noqotay familo badan oo isdalbanaya.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here