Gacanyare ka shaqeeya Laanta Socdaalka oo hooyadiis u habeeyay sharciga deganaanshaha

7

Mid ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ee Malmö ayaa lagu hayaa baaritaan boolis ka dib markii ay cadaatay in uu migrationsverkethooyadiis u habeeyay sharciga deganaanshaha (Uppehållstillstånd).

Haweeneyda oo sharciga la siiyay sanadkii 2008 ayaa sharcigu ugu soo dhacay 3 isbuuc gudahood ka dib markii ay xareysay dalabkeeda. Haweeneyda oo aan waxba qorin waxna akhrin ayaa markii ay sharciga dalbatay waxaa wiilkeeda oo ka shaqeeya Laanta Socdaalka uu email u qoray sheefkiisa oo uu ka codsaday in hooyadiis uu sharciga siiyo.

Sadex isbuuc ka dib ayaa sheefka laftiisa uu gaaray go’aanka lagu siinayo sharciga haweeneyda isaga oo aan cid kale la tashan, sida caadiga ah go’aamada waxaa wada gaara 2 gacanyare. Booliska ayaa hada baaritaan ku haya wiilka oo la aaminsanyahay in uu laaluush bixiyay. Ninka sheefka ah oo isaga tagay shaqada Laanta Socdaalka ayaa isaga la ganaaxay lacag. Wiilka shaqaalaha ah ayaa wali ka shaqeeya laanta Socdaalka.

Iyadoo go’aanka haweeneyda lagu siiyay sharciga uu ahaa mid si qaldan loo gaaray, ayaa hadana waxaa cadaatay in hooyada aysan xaq u lahayn in sharciga Sweden la siiyo. Haweeneyda sharciga la siiyay sanadkii 2008 ayaa geeriyootay balse haddii ay noolaan lahayd ayaa sharciga laga ceshan lahaa, maadaama Laanta socdaalka ay hada dalbatay in sharciga laga soo celiyo haweeneyda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here