Dad badan oo iska ilaabay canshuur celinta

8

2-ka bishaan May ayaa u dambaysa maalinta la xareynayo warqadaha canshuuraha. Sida uu qoray wargeyska Aftonbladet dadskatteverket-logo ka badan 200,000 qof ayaa iska ilaabay in ay xareeyaan koontadooda bankiga sanadkii hore, taasoo sababtay in aysan Hay’ada canshuuraha (Skatteverket) lacag u soo celin dadkaas.

Skatteverket ayaa sanadkii hore soo rogtay sharci cusub oo faraya in qofka loo soo celinayo lacag ka yar 2000kr uu soo xareeyo koontadiisa haddii kale aan waxba loo soo celin doonin. Wixii ka badan 2000kr ayaa dadka waxaa loogu diri karaa Jeek. Dad badan ayaan xareyn koontada.

Inkastoo aan wali la ogeyn inta qof xareysay sanadkaan ayay wali furantahay fursada aad ku xareyn karto koontadaada si laguugu soo celiyo lacagta canshuurta. Si aad Skatteverket ugu sheegto koontadaada ayaad booqan kartaa xafiiskooda ama waxaad buuxin kartaa foomka ku jira boggooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here