Booliska Stockholm oo ku fashilmay joojinta rabshadaha ka socda magaalada

8

Xaafadaha ay u badanyihiin soo galootiga ee ka tirsan Stockholm ayaa habeenkii 5-aad waxaa ka dhacay rabshado lagu gubay rinkebyiskuulo, saldhigyo boolis iyo baabuur ka badan 15. Rabshadaha oo bilowday Isbuucii la soo dhaafay ayaa ku faafay daafaha Stockholm iyadoo xaafado badan ay dagaalo joogto ah ku dhexmareen booliska iyo kuwa rabshadaha samaynaya.

Booliska ayaa isugu habarwacday joojinta rabshada balse waxaa muuqata in aysan ku guuleysan arintaas, iyadoo dhalinyarada dambiilayaasha ah ay booliska la ciyaarayaan bisad iyo dooli. Sababta ka dambaysa rabshada ayaa lagu sheegay dil ay boolisku u geysteen nin oday ah oo bishaan bilowgeedii lagu dilay xaafada Husby.

Dhinaca kale ayaa siyaasiyiinta iyo dadka qaar ay leeyihiin waxaa ka dambeeya shaqo la’aanta iyo kala qeybsanaanta bulshada ee ka jidha xaafadaas. Cunsuriyiinta ayaa sheegay in ay sababtu tahay dadkaan aan ilbaxa ahayn ee soo galootiga ah kuwaasoo wadamadooda soo gubay hadana Sweden ka bilaabay qarbudaad.

Si kastaba ha ahaatee, ficilada ay u kacayaan dadkaan lagu sheegayo dhalinyarada ayaa ah kuwo aad looga caroodo iyadoo ay muhiimtahay dadka ku nool xaafadaha soo galootiga, sida Husby, Rinkeby, Tensta, Hjulsta iyo kuwa la mid ah in ay meel cad uga soo jeestaan ficiladaan dambiile nimada ah ee lagu waxyeelaynayo xasiloonada wadanka.

Dhacdooyinka ka dhacaya Stockholm ayaa dhaawac weyn u geysatay muuqaalka Sweden ee caalamku ku aaminsanyahay wadankaan, iyadoo warbaahinta caalamku ay ku soo qulqulayaan Stockholm.

Hadaba sidee lagu joojin karaa rabshada? Maxaa talo ah ama fikrado aad ku darsanaysaa ? Maxay kula tahay sababta dhabta ah ee ka dambeysa rabshadaha ka socda Stockholm?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here