Shirkada Coca-Cola oo iska dhaaftay magaca Mohammed

15

Shirkada cabitaanka Coca-cola ayaa go’aan ku gaadhay in aysan dhalooyinkooda ku qorin magaca nabiga Mohammed (nnkh). coca-colaAfhayeen u hadlay shirkada Coca-cola ayaa sheegay in ay isaga dhaafeen magaca Mohammed si ay uga fogaadaan xiisad ka dhalata arintaas.

Shirkada Coco-cola ayaa bilaabaysa olale ay magacyada ugu caansan Sweden ku badalayso magaca shirkada ee ku qoran caagadaha iyo dhalooyinka cabitaanka. Magacyada caanka ah sida Daniel, Anna, Emma, Sara iyo Johan ayaa ka mid ah magacyada loo doortay olalahaan. Magaca Mohammed ayaa ka mid ah magacyada ragga ee ugu caansan Sweden.

Afhayeen u hadlay Coca-cola ayaa sheegay in ay magaca Mohammed uga tageeen ka dib markii ay yeesheen wadahadal ku saabsan arintaas iyagoo sidoo kale wadatashi la sameeyay ururada Muslimiinta. Waxa uu sheegay in  maadaama Coca-cola ay tahay shirkad laga leeyahay maraykanka ay arintaas keeni karto xiisad.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah Muslimiinta ayaa ka carooday in laga tagay Magaca Mohammed. Hadaba sidee u aragtaa in Coca-cola ay magaca Mohammed ku qorto ama aysan ku qorin dhalooyinkooda? Ku darso fikradaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here