Taksiile lagu dilay Stockholm

22

Xalay saqdii dhexe ayaa magaalada Stockholm waxaa lagu dilay nin Soomaali ah oo taksiile ah.  Ninka la dilay oo 64 sano jirtaksi

ah ayaa saqdii dhexe lagu dilay xaafada Bergshamra. Markii booliska la wacay ayaa loo tagay marxuumka oo dhaawac ah oo yaala albaabka baabuurka uu waday. Isla goobta ayaa lagu qabtay nin ka mid ah raggii dilka geystay oo marqaatiyaal sheegeen in isaga iyo marxuumka uu dagaal dhexmaray.

Markii hospitalka loo qaaday ayaa marxuumku halkaasi ku geeriyooday. Booliska ayaa sidoo kale soo qabtay nin kale oo looga shakisanyahay in uu lug ku lahaa falka dilka, waxaa sidoo kale la soo xiray haweeney markii dambe la siidaayay. Booliska ayaa shacabka ugu baaqay in ay la soo xiriiraan haddii ay hayaan wax macluumaad ah.

Taksiga uu waday marxuumka geeriyooday ayaa ah nuuca jaalaha ah ee loo yaqaan Taxi 020. Shirkada masuulka ka ah taksiga ayaa ka hadashay arinta, agaasimaha shirkada ayaa wargeyska Aftonbladet u sheegay in uusan marxuumka hawl u hayn shirkada taksiga xiliga la dilay balse uu iskiis u qaaday dadkaan.

Baabuurka ayaa waxaa ku xiran kaamiro duubaysa dhamaan hawlaha taksiga, booliska ayaa hada sheegay in ay baarayaan kaamirada. Mid ka mid ah ragga dilka geystay ayaa boolisku sheegeen in uu horay dambiyo u galay.

Shaqada Taksiga ayaa ah mid ay aad ugu badan yihiin Soomaalida ku nool Stockholm.

War cusub: Waxaan raali galin ka bixinaynaa in aan soo qornay in ninka uu yahay Soomaali, iyadoo ay hada soo baxday in uusan Soomaali ahayn !!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here