Sweden: Cunto Halal ku taalo oo doofaar laga helay

11

Qaar ka mid ah cuntooyinka lagu iibiyo dukaamada Sweden oo ay ku taalo calaamada Halal ayaa laga helay hilibka doofaarka. salamiBaaritaan ay sameeyeen quburo ka tirsan hay’ada la socodka cuntada (Livsmedelsverket) ayaa lagu sheegay in 99 cunto oo ay Halal ku taalo baaritaan lagu sameeyay, kuwaasoo 9 ka mid ah laga helay hilibka doofaarka.

“Waa mid aan la aqbali karin in cuntooyinka ay Halal ku taalo laga helo hilib doofaarka. Waxaa jira dad badan oo aan doonayn in ay cunaan hilibka doofaarka sidaa darteed shirkadaha cuntada iibiya waa in ay masuuliyad isi saaraan. Waxaan hada u gudbin doonaa hay’adaha midowga Yurub baaritaankeena, isla markaana shirkadaha ayaan baaritaan dheeri ah ku samayn doonaa” ayay tiri Louise Nyholm oo ka tirsan hayada Livsmedelsverket.

Cuntada laga helay doofaarka ugu badan ayaa waxaa ka mid ah nuuca loo yaqaan Salami. Salamiga oo ay ku taalo calaamada Halal ayaa laga helay ilaa 10% hilibka doofaarka. Cuntadaan ayaa la sheegay in ay soo samaysay shirkad ka dhisan wadanka Slovenia. Lama shaacin magaca shirkada iyo calaamada hilibka laga helay doofaarka.

Isbuucyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxday fadeexad balaaran oo ka dhacday inta badan wadamada Yurub. Wadamada Denmark iyo Germany ayaa ka mid ah goobaha laga helay hilibka doofaarka ee ay ku taalo Halal.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here