Macluumaad ku saabsan sharciga Dublin iyo dadka faraha leh

13

Isbuucii hore waxaan kulan la yeeshay Lena Rösell oo ah khabiir arimaha socdaalka u qaabilsan ururka Sociala missionen. migrationsverket-Lenna oo aan ka wadahadalnay arimo badan ayaa qaasatan si balaaran iigu sharaxtay qaabka uu u shaqeeyo sharciga Dublin iyo qaasatan arimaha ku saabsan dadka faraha leh.

Waxay ii soo bandhigtay maclumaad badan oo ku saabsan dad Soomaali u badan oo ay ka caawiso arimahaan, dadkaas ayaa ah kuwo wadanka ku cusub oo u baahan faahfaahin ku saabsan faraha iyo shariciga loo yaqaan 18-bilood oo ku saabsan in qofku uu dhuumaalaaysi ku joogo wadanka 18 bilood ka dibna uu iska dhiibo wadanka.

Arinta muhiimka ah ee ay ii faahfaahisay ayaa ah sida lagu ogaado xiliga ay qofka u bilaabanayso 18-ka bilood. Maadaama aysan  Laanta Socdaalka dadka u cadeyn arintaas isla markaana ay dad badan ku qaldaan in ay ka bilaabanayso xiliga qofku iska dhiibay ayaa Lena waxay dadka ka caawisaa sidii ay ku ogaan lahaayeen taariikhda muhiimka ah ee sheegaysa xiliga qofka ay u  bilaabatay 18 bilood. Si arintaas ay dadka uga caawiso ayay iyada oo ku halaysa magaca qofka waxay codsi u dirtaa Laanta Socdaalka oo ay ka dalbato in ay u soo diraan kiiska qofka iyo qaasatan warqad cadeynaysa in qofka uu Dublin yahay.

Warqadaas ayaa waxaa ku qoran taariikh loo yaqaan “Accept Date” oo cadeynaysa taariikhda jawaabta Sweden ay ka heshay wadankii uu qofku faraha ku lahaa. Taariikhdaas ayaa ah mida ay ka bilaabanayso 18ka bilood. Haddii  aysan soo jawaabin wadankii qofka uu faraha ku lahaa ayaa Laanta Socdaalka waxay uga bilaaban qofka 18 bilood 2 isbuuc ka dib markii ay la xiriireen wadankii faraha. Sidoo kale taariikhdaan ayaa laga akhrin karaa warqadaha badan ee qofka loogu soo jawaabo go’aanka ku saabsan kiiskiisa.

Lena ayaa sidoo kale ii soo bandhigtay in aysan Soomaalidu u baahnayn in ay iyada la xiriiraan si arimahaan ay u ogaadaan, waxay sheegtay in ay aad u mashquushay oo aysan hada ka dib u suurto gali karin in dadka oo dhan ay caawiso. Balse waxay soo diyaarisay warqado ay isticmaali karaan qofka doonaya in uu kiiskiisa wax ka ogaado, warqadaan ayaad buuxinaysaa ka dibna waxaa loo dirayaa Laanta Socdaalka. Hoos ayaad ka heli kartaa warqadaha..

Warqada ay ku taalo “Mall Brev” ayaad ku qoraysaa macluumaadkaaga ka dibna waxaad u diraysaa Adreeska ku qoran. Warqada kale waxaa ku qoran macluumaad ku saabsan sida loo ogaado taariikhda ay kuu bilaabatay 18 bilood.

 

Mall brev

begära kopior på dina handlingar

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here