“Soomaalidu iyaga ayaa u baahan in ay isdhexgalaan”

27

“Somalia waa wadan aan isagu isdhexgalin. Waana sababta ay u dagaalamayaan. Waa sababta ay u jiraan fikradosoomaalida diimeed oo isqilaafsan. Waxaa loo baahanyahy in Soomaalidu ay isdhexgalaan ka dibna ay Swedishka dhexgalaan” sidaas waxaa yiri Ulf Boström oo ah xubin booliska Sweden u qaabilsan isdhexgalka bulshada.

Ulf ayaa hadalkiisa ka jeediyay bandhig lagu qabtay magaalada Borlänge oo looga hadlaayay xaalada Soomaalida ku nool Sweden iyo warbixin guud oo ku saabsan wadanka Somalia. Ninkaan lagu magacaabo Ulf Boström ayaa mudo 35 sano ah ka shaqeynayay Booliska isagoo si weyn wax uga bartay wadamada Muslimiinta iyo diinta Islaamka.

Hadalkiisa aan ku bilaabay mowduucaan ayaa ah mid xaqiiqo weyn ku fadhiya, iyadoo la ogyahay isqabqabsiga dhexyaala Soomaalida meelkasta oo ay joogaan. Iyadoo swedishku ay isku dayayaan in ay abuuraan fursado Soomaalida looga qeybgalin karo bulshada kale ayaysan jirin dadaalo nuucaas la mid ah oo Soomaalida dhexdooda ah.

Shaqsiyaadka Soomaalida ee ku nool Sweden ayaa markii ay  qof qof u wada kulmaan ay yihiin kuwo isku muujinaya jaceyl iyo walaaltinimo balse markii ay kala tagaan ayaa ninkasta qabiilkiisa intuu dabada la galo ayuu xan iyo fidno ku soo ridayaa kan kale. Waxay isku haystaan jaaliyadaha iyo xitaa Masaajida. Haddii la yiraahdo war waa maxay dhibaatada jirta? Ma qabiilbaad isku haysataan? Jawaabta waa laga gaabsanayaa.

Xaqiiqada ayaa ah in Swedishku xitaa na fahmeen. Waxaan noqonay dad wadanka laga nacay, oo loo arko cayayaan dulsaar ah. Oo aan shaqo haysan. Isla markaana aan dhaqan wanaagsan wadanka la imaan. Si aan isaga difaacno cunsuriyada nagula hayo iyo mida nagu soo fool leh waxaa loo baahanyahay in Soomaalidu ay si daacad ah u wada hadlaan, meel isugu yimaadaan ay wada dhistaan dalad ay ku mideysan yihiin.

Markii aan intaas ku guulaysano ayaan dadka kale wax la qeyb san karnaa. Oo aan ummada u bandhigi karnaa midnimadeena iyo sharafteena. Hada wax aan dad la hortagno ma haysano. Haddii kale waxay noqonaysaa in shaqsi kasta uu iskiis isku dabaro, in caruurteena ay ka xishoodaan in ay sheegtaan in ay Soomaali yihiin (taasoo hadaba dhacda).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here