Raysal wasaaraha Sweden oo UK ku dhaliilay arimaha soo galootiga

26

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa dhaliilay raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron isagoo ku reinfeldt-camerontilmaamay mid aan wanaagsanayn qudbad uu shalay ka jeediyay London. Raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa ku baaqay in dadka soo galootiga ah aan xaq loo siin in ay guryo qaataan, lacagta cayrta ah iyo daryeelka caafimaadka iyaga oo aan shaqaysan.

Arintaas ayaa raysal wasaaraha Sweden waxa uu ku tilmaamay mid aan habooneyn, isagoo sheegay in qofkasta uusan Yurub u soo galin si uu cayr u qaato. Waxa uu sheegay in ay haboontay in David Cameron uu ka hadlo sida dadka imaanaya ay shaqo ku heli lahaayeen.

Sidoo kale wasiirka Arimaha Bulshada Göran Hägglund ayaa ku tilmaamay dhawaqa ka soo yeeray David Cameron mid foolxun. Waxa uu sheegay in hadalka Cameroon uu dadka u kala qeybinaya “Inaga iyo Iyaga”.

Cameron oo ilaa markii la doortay waday qorshayaal uu cadaadis ku saarayo soo galootiga wadanka Ingiriiska ku nool, ayaa arimaha socdaalka ka dhigay qeyb weyn oo ka mid ah siyaasadiisa. Qudbadiisa ayuu si kulul uga hadlay lacagaha ay qaataan soo galootiga, isagoo sheegay in ay shuruudo badan hordhigi doonaan dadka wadanka soo gala.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here