Raysal wasaaraha Sweden oo canaantay wasiirkiisa Socdaalka

15

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa canaantay wasiirkiisa Socdaalka Tobias Billström ka dib Fredrik_Reinfeldtmarkii ay isbuucaan la soo daristay fadeexad la xiriirta dadka sharci darada ku jooga Sweden. Raysal wasaaraha ayaa hadalkii wasiirka ku tilmaamay mid “aad aan u haboonayn”.

– Dhowr jeer ayuu sameeyay fashil taasoo ah mid soo noqnoqatay. Sidaa darteed waxaan u cadeeyay in wadada uu ku soo ceshan karo kalsoonida ay tahay in uu ku dhaqmo siyaasadeena bani’aadanimo iyo in uu dadaal dheeri ah u galo in uu soo ceshado kalsoonida” ayuu yiri raysal wasaare Reinfeldt mar uu ka hadlaayay fadeexada Billström ee soo noqnoqatay.

Canaanta raysal wasaaraha ayaa quburada siyaasada ay ku tilmaameen mid ku cusub siyaasada Sweden. Horay uma dhicin in raysal wasaare uu si cad u canaanto wasiiradiisa, sida caadiga ah waxaa dhici jirtay marka wasiirka uu lumiyo kalsoonida in uu shaqada iska casilo balse arintaan ayaa la yaab keeda leh iyadoo uu wali sii joogo Billström.

Shalay ayay ahayd markii aan soo qornay in Billström ay fadeexad la soo daristay ka dib markii uu wargeyska DN wareysi uu siinayay si cunsurinimo ah u qeexay dadka soo galootiga ah, isagoo yiri “Dadkaas kuma dhuumanayaan guryaha dadka cadaanka ah ee wanaagsan ee indha buluuga leh, balse waxaa qarinaya dadka ay isku wadanka yihiin”

Hadalkaas ayaa waxaa cambaareeyay dhamaan siyaasiyiinta Sweden, iyadoo qaarkood ay dalbadeen in wasiirkaan shaqada iska casilo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here