Maxkamada Midowga Yurub oo laga yaabo in ay wax ka badasho heshiiska Dublin

14

Mooshin cusub oo loo bandhigay maxkamada sare ee Midowga Yurub ayaa lagu dalbaday in wax laga badalo migrationsverket-nidaamka Dublin ee sharciyeeya halka qofka soo galootiga ah iska dhiibayo. Mooshinka maxkamada loo bandhigay oo quseeya dadka da’da yar ayaa lagu dalbaday in sharciga Dublin wax laga badalo oo caruurta loo ogolaado in sharci laga siiyo wadanka ugu dambeeya ee ay iska dhiibaan.

Nidaamka Dublin ayaa hada ah in qofka soo galootiga ah uu xaq u leeyahay in uu magangalyo ka dalbado wadanka ugu horeeya ee uu Yurub ka soo galo ama uu iska dhiibo. Maxkamada Yurub ayaa la filayaa in ay arintaan qaraar ka qaadan doonto.

Go’aankaan ayaa haddii ay maxkamadu qaadato waxa uu fursad siinayaa dadka isku dhiibay da’da yar ee faraha looga qaaday wadamada qaarkood in ay iska dhiibaan wadamada kale ee Yurub.

Dhowr wadan ayaa ka soo horjeestay mooshinkaan oo ay ugu horeeyaan Sweden iyo UK. Wadamaas ayaa ku dooday in arintaan ay abuurayso in uu bato socodka magangalyo doonka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here