Kamuunka Botkyrka oo ogolaaday Aadaanka salaada

19

Masjidkii ugu horeeyay Sweden ayaa loo ogolaaday in ay sameecadaha masaajidka ka adimaan. MasjidkaFittja ku yaala xaafada Fittja ee ka tirsan kamuunka Botkyrka ee ku yaala duleedka Stockholm ayaa khamiistii ogolaansho rasmi ah ka helay maamulka kamuunka Botkyrka in ay adimi karaan jimca kasta.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ugu dambeeya ayaa waxaa laga sugayaa booliska. Go’aanka booliska ayaa la sheegay in uu yahay mid ku xiran qiimeynta amaanka. Booliska ayaa sheegay in ay qiimaynayaan oo keliya sida dhawaqa aadaanka uu u saameyn karo deegaanka. Waxaa la filayaa in go’aanka booliska uu yahay mid si fudud lagu bixin doono.

Masjidka Fittja ayaa qorsheynaya in uu bilaabo aadaanka ugu horeeyay ee laga maqlo Sweden dhamaadka bishaan Maarso. Arintaan ayaa ah mid taariikhi ah iyadoo Sweden aan horay looga ogolayn dhawaqa aadaanka. Masaajida kale ee Sweden ayaa la filayaa in ay ku dayan doonaan arintaan oo ay codsiyo u diri doonaan kamuunadooda si loogu ogolaado aadaanka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here