Ha hilmaamin in aad saacada badasho!

17

Sida ay la socdaan dadka ku nool Sweden, saacada dalka ayaa la badalaa 2 waqti ayadoo marna lagu daro 1 saac marna laga jaro.saacada Habeenka Axada ugu dambeysa bisha Maarso ayaa 1 saac lagu daraa saacada Sweden, ayadoo saacada marka ay tahay 2:00am is badalka la sameeyo oo laga dhigo 3:0oam.

Caawa marka ay saacadu tahay kl. 02:00 ayaa laga dhigayaa kl. 03:00 -hadaba ha hilmaamin in aad saacada badasho.

Arintaan ayaa aad muhiim ugu ah in ay ogaadaan dhamaan dadka ku nool Sweden iyadoo tani saameen wayn ku yeelanaysa saacadaha shaqada, iskuulada , tareenada iyo dhamaan qaybaha nolosha.

Sidoo kale waxaa saacad laga jarayaa Habeenka Axada ugu dambeysa ee bisha Oktobar  ayadoo marka saacada ay tahay 3:00am laga dhigi doono 2:00am.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here