Cunsuriyiinta oo looga hortagay Malmö

5

Shalay ayaa magaalada Malmö waxaa isugu soo baxay 20 qof oo ka tirsan cunsuriyiin labaxay magaca Swedish malmooDefense League (SDL) kuwaasoo doonayay in ay mudaharaad ka dhigaan bartamaha magaalada. Balse qorshahooda ayaa waxaa ku dhacay fashil ka dib markii ay ka hortageen dad gaaraya 1000 qof oo ka tirsan dadka magaalada.

Xaalada ayaa noqotay mid kacsan iyadoo booliska iyo mudaharaadayaasha ka soo horjeeda cunsuryiinta ay isku dheceen. Hal qof ayaa xabsiga la dhigay iyadoo dhagaxaan iyo sunta dadka ka ilmaysa layska dhacay.

Cunsuriyiinta oo filayay in ay noqon doonaan 100 qof ayaa ceeb ku dhacday iyagoo 20 qof keliya ku soo xaadiray. Dadka reer Malmö ayaa si cad u muujiyay in aysan wadooyinkooda doonayn in cunsuriyiin lagu arko.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here