Cunsuriyad maku saameysay?

47

Isbuucyadii la soo dhaafay waxaa Sweden ka taagnayd dood kulul oo ku saabsan cunsuriyada iyo gooni u soocasoomaali lagu sameeyo dadka soo galootiga ah. Doodaas ayaa ka dambeysay mashruucii booliska ee ay dadka soo galootiga ah ku ugaarsanayeen.

Wasiirka cadaalada Sweden Beatrice Ask ayaa ka careysiisay soo galootiga ku nool Sweden ka dib markii ay sheegtay in “dadka dambiyada galay ay cabsi iska qabaan” taasoo loo fasirtay in ay soo galootiga oo dhan ku tilmaamayso kuwo dambiile yaal ah ama wax la mid ah. Hadalka wasiirka ayaa qaasatan ka careysiisay ninka lagu magacaabo Jonas Hassen Khemiris oo ah qoraa ay iska dhaleen hooyo Swedish ah iyo Aabe Tunisiya ka soo jeeda.

Warqad uu ku qoray wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayuu hadalkii wasiirka si toos ah uga jawaabay, isagoo ka codsaday wasiirku in ay maqaarkiiska gashato si ay u dareento xanuunka cunsuriyada iyo kala sooca. Mowduuciisa ayaa maalinitii ugu horeysay keliya waxaa akhristay dad ka badan 200,000 qof isagoo noqday mowduucii ugu caansanaa ee lagu qoro bogga DN.

Soomaalida ku nool Sweden ayaa qaasatan waxay yihiin kuwo si gaar ah loo bartilmaameedsado, taasoo ay ka dambayso asalkeena Afrikaanka ah, diinteeda Islaamka ah iyo magac xumo guud oo ay naga faafiyeen saxaafada iyo xisbiyada cunsuriga ah ee ka jira wadanka.

Hadaba mowduuca ayaa ah, sidee ayay shaqsi ahaantaada kuu saamaysay cunsuriyada lagu eedeeyo Sweden? Waligaa ma dareentay in lagu cunsuriyeey? Qaabkee laguu  cunsuriyeeyay ? Fadlan jawaabtaada ku qor qeybta firkadaha ee hoose.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here