Caruurta waalidkood laga qaato oo xaalad adag ku sugan

8

Caruurta laga qaado waalidkii dhalay ayaa la soo bandhigay in ay la soo daristo xaalado adag. Hay’ada hogaanka caruurtabulshada (Socialstyrelsen) ayaa baaritaan cusub ku soo bandhigay in caruurta laga qaado waalidkood aysan helin daryeel ka fiican midkii ay waalidkood siin jireen.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay in caruurta waalidkood laga qaado ay noqdaan kuwo qatar ugu jira in ay naftooda waxyeelo u geystaan. Caruurtaan ayaa la sheegay in aysan hurdo fiican seexan iyo xaalado kale oo maskaxda ah in ay la soo daristo.

Inkastoo ay iska cadahay in caruur waalidkood laga qaaday aysan xaaladooda wanaagsanayn, ayaa hadana arintaan waxay tahay mid si qaas ah u taabanaysa Soomaalida ku nool Sweden oo marar badan ay dhacday in waalidiinta laga qaatay caruurtooda isla markaana lagu wareejiyay qoysas cadaan ah oo aysan isfahmayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here