Billström: Si nacasnimo ah ayaan u hadlay [Video]

12

Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström ayaa shalay si kulul suaalo looga waydiiyay baarlamaanka Sweden, Billstromiyadoo qaasatan jawaab laga dalbaday hadalkiisii qaabdarada ahaa ee uu kaga hadlay soo galootiga. Wasiirka ayaa sheegay in uu si nacasnimo ah u hadlay isla markaana uu raali galin bixinayo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in aysan qorshaha ugu jirin in uu iscasilo, isagoo sheegay in uu isisaxayo isla markaana uu ku shaqaynayo hogaanka raysal wasaaraha. Isbuucaan ayay ahayd markii uu raysal wasaare Reinfeldt uu canaantay wasiirkiisa isla markaana uu ka dalbaday in uu hirgaliyo siyaasada socdaalka ee ku dhisan “bani’aadanimada”.

Dhinaca kale, Billström ayaa taageero ka helay qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Sweden, iyagoo ku sheegay in uusan wax qalad ah samayn. Ragga taageeray hadalka wasiirka ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha degmada Växjö, Alvesta iyo Norrköping.

Daawo

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here