Shaqaale ka tirsan Laanta Socdaalka oo lagu hayo dambi baaris

40

Dhowr ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ee magaalada Malmö ayaa waxaa ku socda dambimigrationsverket-logo baaris la xiriirta sharciyo ay iibiyeen. Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa xabsiga la dhigay halka dhowr kalena lagu hayo baaritaan.

Dambi oogaha ayaa sheegay in uu filayo in qaar badan oo ka tirsan shaqaalaha Migrationsverket ay lug ku leeyihiin iibinta sharciyada wadanka. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ay abuuriyaan qeyb cusub oo la dagaalanta musuqmaasuqa ay ku kacaan shaqaalaha Laanta.

Baaritaankaan ayaa ka dambeeya ka dib markii bishii Janaayo xabsiga la dhigay 2 qof oo ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka kuwaasoo lagu eedeeyay in ay iibiyeen sharciyada. Dadkaas ayaa la sheegay in sharcigii ku iibiyeen lacag gaaraysa 50.000 ilaa 100.000 kr. Dadka sharciga ay ka iibiyeen ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan Afrika iyo Bariga dhexe. Xitaa waxaa la sheegay in ay dadka u sameeyeen baasabooro bug ah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here