Wasiirka Socdaalka Sweden oo sheegay in xaalada Soomaalida aan wax laga badali doonin

34

Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström oo isbuucii hore kulan la qaatay hay’adaha u dooda arimaha Billstromqaxootiga sida Röda Korset iyo Sociala Missionenayaa u cadeeyay in uusan xiisaynayn in uu wax isbedal ah ku sameeyo xaalada reeraha iyo caruurta Soomaalida ee kala maqan.

Lena Rösel oo ka tirsan Sociala Missionen kana qeyb gashay kulanka ayaa ii sheegtay in wasiirka uu sheegay in sheekadu sidaan ay ku fiicantahay oo uusan ku tala jirin in uu dib u fiiriyo arimaha Soomaalida. Labada hay’adood ayaa wasiirka u bandhigay dhibaatada haysata qaar badan oo ka mid ah reeraha Soomaalida oo diidmo la siiyay ka dib markii lagu xujeeyay in ay horey u wada noolaayeen. Waxay kale oo u bandhigeen xaalada caruurta la korsaday iyo kuwa qaangaaray.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka ayaa cadeeyay in uusan xiisaynayn arimahaan. Billström ayaa xitaa doonaya in uu adkeeyo reeraha Soomaalida ah ee hada la mideynayo, sida in uu ku xiro shuruud shaqo iwm. Balse arintaas ayuusan wali ku guuleysan. Labada hay’adood ayaa sheegay in ay Maxkamada Yurub u gudbin doonaan dacwo ku saabsan reeraha Soomaalida.

Dhinaca kale Billström ayaa waxaa la soo daristay fadeexad kale oo ku saabsan soo galootiga. Wareysi uu siiyay wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayaa mar uu ka hadlaayay dadka dhuumaalaysiga ku jooga Sweden ayuu yiri “Dadkaas kuma dhuumanayaan guryaha dadka cadaanka ah ee wanaagsan ee indha buluuga leh, balse waxaa qarinaya dadka ay isku wadanka yihiin” hadalkaas ayaa noqday mid lala yaabay isagoo durbadiiba ay cambaareeyeen xisbiyada kale qaasatan xisbiga Miljöpartiet.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here