Shir ku saabsan isdhexgalka Soomaalida oo lagu qabtay Stockholm

10

Shalay waxaa magaalada Stockholm ka dhacay kulan ku saabsan sidii Soomaalida ku nool Sweden loogu Stockholm-fores-somaliertaageeri lahaa isdhexgalka bulshada. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay buug cusub oo laga qoray Soomaalida Sweden.

Shirkaan oo uu ka soo qeyb galay wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag iyo madax kale ayaa waxaa looga hadlay caqabadaha hortaagan Soomaalida ku nool wadankaan iyo sida looga gudbi karo. Waxaa goobta lagu soo bandhigay buug cusub oo loogu magacdaray “Somalier i Sverige – Mellan förtvivlan & hopp” taasoo lagu turjumi karo “Soomaalida Sweden – Waxay u dhexeeyaan jahwareer iyo rajjo” buugaan ayaa waxaa qoray qorayaal isugu jira Soomaali iyo Swedish.

Macluumaadka buuga lagu soo bandhigay ayaa ah kuwo muhiim ah kaasoo ka hadlaya dhibaatooyinka ay Soomaalidu ka maraan nolosha Sweden, sidii ay reerahooda ku keeni lahaayeen halkaan iyo talooyin ku saabsan sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan isdhexgalka bulshada oo loo jeediyay dowlada Sweden.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay xubnaha qoray buuga iyo wasiirka. Dadka ka soo qeyb galay kulanka ayaa fikradahooda ka dhiibtay mowduuca iyo su’aalo la weydiiyay qorayaasha iyo wasiirka.

Shirka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururka ka shaqeeya arimaha bulshada ee lagu magacaabo Fores kuwaasoo sidoo kale gacan ka geystay qoriga buugga cusub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here