Shacabka Sweden oo aan dhibaato u arag magangalyo doonka

15

Baaritaan lagu sameeyay sida shacabka Sweden ay u arkaan tirada magangalyo doonka ayaa waxaa lagu soo bandhigay insweden2  dadka Sweden inta badan aysan ka soo horjeedin soo galootiga. Warbixintaan oo ay samaysay shirkada caanka ah ee Sifo ayaa lagu soo bandhigya in 37% shacabka Sweden ay u arkaan tirada soo galootigu in ay badantahay.

Baaritaankaan mid la mid ah oo la sameeyay sanadkii 2001 ayaa tirada dadka Sweden ee aan la dhacsanayn soo galootiga waxay ahayd 55% taasoo hada aad hoos ugu dhacday. Sababta ka dambaysa in Swedishku ay soo dhaweeyaan soo galootiga ayaa lagu micneeyay in ay la socoto guud ahaan wadamada Yurub oo dadka shacabka ay gacmaha u furayaan soo galootiga. Swedishka ayaa qaasatan la sheegay in ay yihiin dad jecel xuquuqda bani’aadamka iyo sinaanshaha dadka.

Baaritaankaan ayaa la sameeyay ka dib markii Wasiirka Socdaalka Tobias Billström aad loogu cambaareeyay hadalo uu jeediyay oo ahaa in tirada soo galootiga ay aad u badantahay. Hadalkaas ayaa xitaa waxaa ka carooday xisbiga cunsuriga ah ee SD kuwaasoo sheegay in Billström uu afkooda ku hadlayo.

Si kastaba ha ahaatee xisbgia SD ayaa bilihii la soo dhaafay ay aad kor ugu kacday taageerada ay ka haystaan shacabka Sweden. Taas ayaa lagu micneeyay in dadka ka soo horjeeda soo galootiga ay isgu aruursadeen codbixiyaasha xisbigaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here