Magaalada Borlänge oo sheegtay in aysan guryo u hayn Soomaalida la mideynayo

42

Gudoomiyaha degmada Borlänge ayaa isbuucii la soo dhaafay warbaahinta u sheegay in magaaladiisa aysan qaabili Borlängekarin qoysaska la mideynayo maadaama aysan guryo u haynin. “Ma hayno guryo. Balse waxaan isku dayaynaa in aan raadino xal kale” ayuu warbaahinta u sheegay  Kenneth Persson oo ah gudoomiyaha magaalada Borlänge.

Borlänge ayaa waxay ka midtahay magaalooyinka la filayo in ay yimaadaan qaar badan oo ka mid ah Soomaalida la mideynayo. Ilaa bishii Oktober ee sanadkii 2012 ayaa waxaa magaalada soo galay 201 qof oo soomaali ah kuwaasoo isugu jira 173 caruur ah  iyo 28 dad waaweyn ah. Waxaa la filayaa qaar kale oo badan in ay yimaadaan sanadkaan.

Kenneth Persson ayaa cabasho ka muujiyay in aysan qaabili karin Soomaalida soo socota maadaama aysan guryo hayn. Waxa uu sheegay in aysan dadka cusub dajin karin guryaha cusub ee magaalada laga dhisay maadaama loo baahanyhay in qofku uu shaqo haysto. Waxa uu sheegay in degmooyinka kale ee la dariska ah Borlänge in xalka laga raadin doono.

Soomaali badan oo reerahooda lala mideyn lahaa isla markaana ogolaansho haysta ayaa hada ku xayiran wadamada Ethiopia, Uganda iyo Kenya. Sababta ay halkaasi ugu suganyihiin iyaga oo sharci la siiyay ayaa waxaa ka mid ah guryo la’aanta. Kamuunada ayaa Migrationsverket ka codsaday in ay dadka dib u dhigaan ilaa guryo loo diyaarinayo. Dadka doonaya in lala mideeyo reerahooda ayaa waxaa haboon in ay degaan magaalooyin guryaha leh.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here