Dhismihii lagala wareegay kaniisada oo laga furay Masjid [Video]

24

Magaalada Flen waxaa laga furay masaajid cusub oo loogu magacdaray Alhudda Masjid. Masjidkaan ayaa flen-alhudda-masjidqorshahiisa muddo socday ka dib markii dhismaha laga iibsaday kaniisada Pingstkyrkan.

Waxaa ka soo wareegatay mudo ka badan sanad markii Muslimiinta Flen qaasatan ururka Alhudda ay saxiixeen iibsashada Kaniisada la yiraahdo Pingstkyrkan ee ku taala isla magaalada Flen, heshiiska ayaa waxa uu ahaa in ay lacagta oo gaaraysay 4 milyan karoon ay ku bixiyaan muddada sanad gudaheeda ah, nasiib wanaagse waxa ay noqotay in waqtigii oo la gaarin lacagtii soo wada xarooto. Muslimiinta ku nool Sweden iyo qaasatan aqristayaasha Somaliska.com ayaa ka qeyb qaatay bixinta lacagta lagu iibsaday dhismaha kaniisada.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa si rasmi ah loo furay masaajidka Alhudda, kaasoo ah mid qiimo gaar ah leh maadaama goob kaniisad ah loo badalay masaajid. Furitaankii masjidka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ka kala yimid daafaha Sweden.

 

Daawo Video

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here