Degmooyinka ay soo galootigu ku yaryihiin oo dhibaatooyin bulsho ka jiraan

10

Cilmi baaris uu sameeyay qabiir ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu soo bandhigay in degmooyinkarinkeby Sweden ee ay ka jiraan dhibaatooyinka bulshada ee ugu daran in ay yihiin kuwa ay soo galootigu ku yaryihiin. Warbixintaan oo ah mid xiiso badan ayaa been abuur ka dhigaysa sheekada ay Swedish badan ku doodaan ee ah in xaafadaha soo galootiga ay dhibaato bulsho ka jidho.

Dhibaatooyinka bulshada ee cilmi baarista lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Shaqo la’aanta guud iyo mida dhalinyarada, qaadashada cayrta iyo dadka oo aan daynta bixin. Degmooyinka qaar ayaa la soo bandhigay in 3 meelood hal meel aysan dadku shaqayn. Warbixinta ayaa soo bandhigtay in degmooyinka ay ka jiraan dhibaatooyinka kuwa ugu badan ay ku noolyihiin soo galootiga ugu yar.

Arinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in warbixinta lagu soo bandhigay in 20-ka magaalo ee ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu yar ee bulshada ay ku noolyihiin soo galooti badan.

Degmooyinka tusaalaha loo soo qaatay ayaa waxaa ka mid ah kamuunka  Munkfors oo ka tirsan gobolka Värmland ayaa dadka ku nool waxaa 21% aysan bixin deymaha. Halka dhalinyarada ay 36% shaqo la’aan yihiin. Degmadaas ayaa ah mid ay soo galootigu aad ugu yaryihiin.

Dood badan ayaa ka taagan soo galootiga ku nool Sweden. Iyadoo dad badan qaasatan cunsuriyiintu ay ku doodaan in soo galootigu ay wataan dhibaatooyinka bulshada balse cilmi baaristaan ayaa cadeynaysa in Swedishku ay yihiin kuwa ay haystaan dhibaatooyinka ugu badan.

Cilmi baarista ayaa lagu sheegay in dhibaatooyinka shaqo la’aanta, cayr qaadashada iyo deymaha ay sabab u yihiin xaalada dhaqaale ee wadanka iyo shaqo la’aanta balse aysan xiriir gooni ah la’lahayn dhalashada dadka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here