Sweden oo markale Soomaali ka soo qaadaysa bariga Afrika

37

Sweden ayaa sanadkaan waxay xeryaha qaxootiga ee ku yaala Bariga Afrika iyo Masar ka soo qaadi dhadhaabdoontaa dad gaaraya 1 900 qof. Dadkaan la soo qaadayo ayaa ah kuwo ku jira xeryaha qaxootiga ee ay maamusho UNHCR kuwaasoo wadashayn la leh Migrationsverket.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in sanadkaan Kenya laga soo qaadi doono 300 qof oo Soomaali ah. Waxay sidoo kale Sweden soo qaadi doontaa qaxooti ka soo jeeda Eritrea, Ethiopia iyo Kongo. Dowlada Sweden ayaa sanadkasta go’aamisa tirada qaxootiga ee laga soo qaadayo xeryaha.

Sanadkii hore ayaa Sweden waxay sidoo kale soo qaaday Soomaali ku jiray xeryaha qaxootiga Jabuuti, Tunisiya iyo Kenya. Sanadkii hore ayaa guud ahaan qaxootiga laga soo qaaday xeryaha ay gaarayeen 1700 qof. Sweden ayaa ah wadanka afaraad ee soo qaada qaxootiga ugu badan. Wadamada Yurub ayaa Sweden ay tahay wadanka soo qaada dadka ugu badan. Qaxootiga la soo qaadayo ayaa waxaa sii dheer kumanaan kale oo iyagu iskood ku soo gala Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here