Ugaarsigii booliska oo fashilmay

11

Ugaarsigii ay booliska Stockholm isbuucyadii la soo dhaafay ku hayeen dadka sharci darada ku jooga Sweden ayaa u polismuuqda mid fashil ku socda, ka dib markii la soo bandhigay in boolisku dadka ay qabteen ay 9 ka mid 10kii qofba ay yihiin kuwo sharci ku jooga wadanka.

Bishii Janaayo ayaa booliska Stockholm waxay sharci waydiiyeen 716 qof iyadoo 42 qof oo keliya dadkaas ay noqdeen kuwo sharci daro ku jooga wadanka. Sidoo kale baaritaanadii ay sameeyeen bishii December iyo bishaan hada socota ayaa tirada dadka sharciga leh ee qaladka loo joojiyay ay noqotay 90%.

Madaxa booliska dambibaarista Sören Clerto ayaa warbaahinta u sheegay in qaladka boolisku uu yahay mid aad u sareeya. Waxa uu intaas ku daray in uusan balan qaadi karin in dadka la joojinayo aan loo beegsanayn muuqaalkooda. Balse waxa uu sheegay in boolisku ay habdhaqankooda wanaajin doonaan.

Arintaan iyo guud ahaan mashruuca booliska ee dadka lagu joojinayo wadooyinka ayaa ceeb ka ah Sweden, iyadoo booliska aad loo cambaareeyay isbuucyadii la soo dhaafay markii ay soo ifbaxday hawsha ay wadaan. Booliska ayaa eeda dusha ka saaray madaxda Dowlada oo ay sheegeen in ay amarka bixiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, wali ma soo bixin amar lagu joojinayo barnaamijkaan ay boolisku dadka sharci darada ah ku ugaarsanayaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here