Xafiiska shaqada Sweden oo xarun ka furanaya Addis Ababa

12

Xafiiska shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen) ayaa qorshaynaya in ay xarun ka furtaan caasimada afEthiopia. Xaruntaan ayaa la sheegay in dadka ogolaanshaha la siiyay ee Sweden imaanaya lagu siin doono macluumaad ku saabsan qaabkii ay ugu noolaan lahaayeen Sweden.

– Waxaan doonaynaa in aan dadka ogeysiino in marka ay Sweden tagaan ay Arbetsförmedlingen caawin doonto. Iyo in aan taageeri doono labo sano. Waxaan dareenay in ay jidho waqti la’aan – Ayuu yiri Mattias Wahlsten oo qaabilsan arimaha soo dhaweynta dadka cusub.

Ilaa iyo markii la fududeeyay mideynta reeraha Soomaalida ayaa la sheegay in Laanta Socdaalka ay ogolaasho siisay 4000 oo qof kuwaasoo 3000 kun aysan wali Sweden imaan. Dadkaas badankooda ayaa ku sugan Addis Ababa iyagoo haysta ogolaasho.

Qorshaha ayaa ah in xafiiska cusub ee laga furayo Addis Ababa warbixin lagu siin doono dadka cusub, iyagoo laga qori doono waxbarashadooda iyo shaqadii ay qaban jireen. Hawsha ayaa waxaa fulin doono shaqaale ka tirsan Xafiiska shaqada oo isugu jira Soomaali iyo Swedish.

Dadka lagu qaabili doono xafiiskaan ayaan wax lacag ah aan ku qaadan doonin ka qeyb galka barnaamijka. Iyagoo aan sidoo kale loo xisaabin doonin waqtiga ay xafiiska tagaan in uu ka midyahay labada sano ee Sweden ay ku leeyihiin.

Arbetsförmedlingen ayaan shaacin xiliga la furi doono xafiiskaan balse waxay sheegeen in qorshaha si fiican u socdo. Horay ayaa ururo Soomaaliyeed waxay u codsadeen in barnaamij nuucaa ah laga fuliyo Ethiopia.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here