Qoysas badan oo la mideeyay iyo qaar badan oo diidmo laga safay [Video]

71

Bilihii la soo dhaafay ayaa wadanka Sweden waxaa soo galay Soomaali badan oo lala mideeyaymigrationsverket-somaliska reerahooda kuwaasoo ku yimid ka dib isbedelkii lagu sameeyay arimaha mideynta sanadkii hore. Dadka wadanka soo galay ayaa u badan caruur iyo waalidkood, iyadoo hada ay farxad iyo daamaashaad ku jiraan dadkii la mideeyay.

Laanta Socdaalka ayaa horey u sheegtay in muhiimada la siinayo dadka caruurtooda qaangaarka ku dhowdahay balse arintaas ayay dhacday in marar badan ay gees mareen iyadoo la arkay caruur lala sugay intii ay ka qaangaarayeen ka dibna diidmo loo soo tuuray dhowr maalmood ka dib markii ay buuxiyeen 18 sano. Arintaas ayaa u muuqatay mid si kas ah loogu yareynayo tirada Soomaalida imaanaysa wadanka.

Dhinaca kale waxay soo saareen shuruudo qarsoonaa oo markii hore aan la shaacin sida in dadka qaar lagu xiray in ay 2 sano horey u wada noolaayeen inta aysan Sweden imaan, shuruudaas ayaa keentay in tiro aad u badan oo ka mid ah dadkii dacwada xareystay diidmo laga safay. balse waxaa wali jahwareer ka jiraa qaabka ay wax ku go’aamiyaan maadaama aan aragnay dad aan labo sano horay u soo wada noolayn oo iyagana ogolaansho la siiyay. Arinta ayaa waxay u egtahay qof waliba nasiibkiis iyo cida go’aanka ka gaadha.

Migrationsverket ayaa sanadkii hore sheegtay in ay filayaan in Sweden ay keeni doonto 27.000 oo Soomaali ah balse arintaas ayay hada cadaatay in aysan sax ahayn iyadoo tirada markii dambe lagu sheegay 8.000 hadana aysan u muuqan xitaa in kala bar tiradaas la keeni doono. Tusaale magaalada Växjö ayaa waxaa ilaa hada soo galay 80 qof.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in Migrationsverket iyo Kamuunada ay si qarsoodi ah ugu heshiiyeen in la daahiyo ama la yareeyo tirada Soomaalida ee imaan karta wadanka. Sidoo kale, tooshkii horey ugu daarnaa Soomaalida ayaa hada u muuqda mid u wareegay dhinaca Suuriyaanka, iyadoo hada saxaafada Sweden ay ka hadlayaan arimahooda. Arintaas ayaa keentay in aysan jirin cid u dooda Soomaalida loo diiday familkooda maadaama aysan saxaafadu muhiimad siinayn.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here