Nyamko Sabuni oo is casishay

7

Wasiirada sinaanshaha Sweden Nyamko Sabuni ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkeedii islanyamko_sabuni markaana ay isaga baxday baarlamaanka Sweden. Sabuni ayaa sheegtay in iskeed ay u go’aansatay in ay isaga baxdo siyaasada.

Wasiiradaan oo ahayd wasiirka keliya ee soo galootiga ah kana soo jeeda wadanka Burundi ayaa sanadkii 2006 waxay noqotay wasiirka isdhexgalka, iyadoo sanadkii 2010 loo magacaabay wasiirada sinaanshaha iyo waxbarashada.

“Waxaan go’aansaday in aanan ka qeyb qaadan doorashada 2014, sidaa darteed ayaan hada isku casilay si aan waqti u siiyo qofka i bedalaya. Waxaan aad uga mahad naqayaa taageerada aan ka helay madaxda xisbigayga” ayay tiri Nyamko Sabuni.

Sabuni ayaa ka tirsan xisbiga Folkpartiet (FP). Waxay wadanka Sweden soo gashay iyada oo 12 sano jir ah, iyadoo ku biirtay baarlamaanka Sweden sanadkii 2002. Sabuni ayaa ku dhalatay magaalada Bujumbura ee caasimada Burundi sanadkii 1969. Hooyadeed waa Muslim halka aabaheed uu yahay Kiristaan.

Raysal wasaaraha Sweden Fredrikk Reinfeldt iyo hogaamiyaha xisbiga Folkpartiet Jan Björklund ayaa saakay ku dhawaaqay in Sabuni ay badali doonto haweeney aan sidaa loo aqoon oo lagu magacaabo Maria Arnholm oo horay xog hayn ugu ahayd  Nyamko Sabuni.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here