Norway oo diiday haweenka Booliska ah in ay Xijaab xirtaan

3

Dowlada Norway ayaa diiday qorshe uu soo bandhigay gudi horay loogu xilsaaray in uu soo baaro qaabkii norway-polishaweenka Muslimiinta ah ee Xijaabka xirta loogu ogolaan lahaa in ay ka mid noqdaan Booliska.

“Dowladu waxay go’aamisay in aan calaamadaha diinta loo ogolaan ciidanka Booliska” ayay tiri Hadia Tajik oo ah wasiirka dhaqanka isla markaana ah wasiiradii ugu horeysay ee Muslim ah ee xil ka qabata wadanka Norway. Gudigii ay dowladu u xilsaartay arintaan ayaa horay u soo jeediyay in loo ogolaado dumarka Muslimiinta ah in ay Xijaab xirtaan marka ay ciidanka Booliska ka mid noqdaan.

Wasiirada dhaqanka ayaa sheegtay in dowladu ay horay u diiday qorshe midkaan la mid ah oo la soo bandhigay sanadkii 2009. Waxay sheegtay in aysan filayn in isbedel la sameyn doono mustaqbalka dhow. Sanadkii 2009 ayay dowladu Norway muujisay in ay ogolaan doonto xijaabka in ay Boolisku xirtaan balse durbadiiba ayay ka laabatay go’aankaas ka dib markii ay cambaareyn kala kulantay xisbiga midigta fog.

Dhowr wadan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa hadaba ogol in boolisku ay xirtaan xijaabka. Wadamadaas waxaa ka mid ah Sweden iyo Ingiriiska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here