Maxkamada Socdaalka Malmö oo gacan furan

9

Maxkamada Socdaalka ee Malmö (Migrationsdomstolen) ayaa la sheegay in ay ka gacan furantahay xaga sharci malmöbixinta marka loo barbar dhigo maxkamada kale ee ku yaaala Göteborg iyo Stockholm. Baaritaan ay sameysay idaacada Ekot ayaa lagu soo bandhigay sidaasi.

Maxkamada Socdaalka ee Malmö ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ka sharci bixin badan tahay maxkamadaha kale, iyadoo kiisaskii racfaanka laga qaatay ee loo bandhigay maxkamadaasi ay 15% keliya diiday inta kalena ogolaasho siisay. Maxkamada Malmö ayaa la sheegay in ay bixisay dhamaan qeybaha kala duwan ee sharciyada sida Magangalyo doonka, dacwadaha reeraha iyo shaqaalaha.

Dadka tusaale ahaan, diidmada ka helay maxkamadaha kale ayaa markii ay kiiskooda u bandhigeen maxkamada Malmö waxay isbedel ku sameysay go’aankii maxkamada hore labo jibaar in ka badan Maxkamadaha Stockholm iyo Göteborg.

Agaasimaha xaga cadaalada u qaabilsan Laanta Socdaalka Mikael Ribbenvik ayaa sheegay in ay adagtahay in la ogaado sababta keentay kala duwanaashaha balse waxa uu sheegay haddii ay jidho in kiisaska isku midka ah ay si kala duwan u qiimeeyaan maxkamadahu in arintu aysan wanaagsanayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here