Masjid ku yaala Stockholm oo muslimiinta laga xirtay

8

Masjid ku yaala xaafada Husby ee duleedka Stockholm ayaa waxaa laga xirtay Muslimiintii ku cibaadaysan husby-moskelahayd halkaasi oo isugu jira ragg, dumar iyo caruur. Xiritaanka Masjidka ayaa ka dambeeyay ka dib qilaaf soo kala dhex galay madaxda jaaliyada (Husby Islamiska Kultur Center) iyo xubnaha jaaliyada.

Jaaliyada oo qaabilsan maamulka masjidka iyo maareynta qarashka soo gala masjidka, ayaa la sheegay in mudo dhowr bilood ah uu qilaaf kala dhexeeyay qaar ka mid ah xubnaha masjidka ka tirsan oo dalbaday in la cadeeyo halka uu maray dhaqaalaha Masjidka iyo jaaliyada soo galay.

Qilaafkaas ayaa keenay in madaxda jaaliyadu ay go’aan ku gaaraan in ay xiraan masjidka, iyadoo shalay salaadii jimcaha ay Muslimiintu ku tukadeen dibada Masjidka oo baraf ah. Muslimiinta ayaa aad uga carooday in masaajidka laga xirto cibaadada alle.

Madaxda jaaliyada ayaa boggooda internetka waxay ku qoreen warqad dheer oo si kulul loogu cambaareeyay xubnaha ay ku sheegeen in ay “fitno” abuureen. Waxay intaas ku dareen in dadkaas masjidka laga mamnuucay isla markaana masjidku uu xirnaan doono ilaa amar dambe.

Qilaafaadka u dhexeeya jaaliyadaha iyo masaajida ka dhisan xaafadaha Stockholm ayaa ah kuwo mudo soo socday, iyadoo horey ay isugu qilaafeen cidii maamuli lahayd masaajidyo laga dhisayo xaafadaha Rinkeby iyo Tensta.

Telefishinka SVT ayaa booqday goobta oo warbixin ka soo diyaariyay. Halkaan ka daawo ABC SVT

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here