Dowlada Sweden oo adkaynaysa arimaha Socdaalka

26

Wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström ayaa ku dhawaaqay in ay wax ka badalayaan arimaha BillstromSocdaalka. Isbedalada wasiirku sheegay ayaa waxaa ugu weyn in dadka sharciga loo diiday si degdeg ah wadanka looga musaafuriyo, in la adkeeyo mideynta reeraha iyo in la adkeeyo nidaamka ay dadku ku soo galeen Sweden.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ay u sameynayaan isbedalada ay tahay in dad badan oo aan xaq u lahayn in ay Sweden iska dhiibaan ay culeys ku yihiin dhaqaalaha wadanka isla markaana ay hor istaagayaan dadka u baahan taageerada dhabta ah.

Wasiirka ayaa qaasatan sheegay in Soomaalida lagu adkayn doono sharci bixinta maadaama aysan dhibaato ka jirin Somalia. Waxa uu intaas ku daray in uu doonayo in dadka u dacwoonaya reerahooda shuruud looga dhigo in ay shaqo haystaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu wadahadal kula jiro wasiirada kale ee midowga Yurub si dadka ka yimaada wadamada Serbia iyo bariga Yurub loogu xiro viiso in ay ku soo galaan Sweden.

Wasiirka ayaa sheegay in arimahaan loo samaynayo si loo soo dhaweeyo qaxootiga dhabta ah ee ka imaanaya wadanka Siiriya kuwaasoo u baahan magangalyo degdeg ah.  Wasiirka ayaa ku celceliyay muhiimada ay leedahay in dadka u  dacwoonaya qaraabadooda lagu xiro shuruuda shaqada isagoo sheegay in shuruuda nuucaas ah ay ka jidho wadamo badan oo Yurub ah. Arintaan ayaa haddii la hirgaliyo waxay caqabad weyn ku noqon kartaa Soomaali badan oo reerahooda lala mideyn lahaa.

Hadaba qodobada ugu muhiimsan ee laga badalayo arimaha Socdaalka Sweden ayaa waxaa ugu waaweyn.

1. In dadka sharciga loo diiday degdeg loo musaaafuriyo, iyadoo booliska amar lagu siiyay midaas.

2. In la adkeeyo mideynta reeraha, iyadoo loo marayo shuruuda shaqada.

3. In viisa shuruud looga dhigo dadka ka imaanaya wadamada bariga Yurub.

4. Dadka caruurta isku dhiiba oo si qotodheer loo baarayo da’dooda.

5. Soomaalida oo sharciga lagu adkaynayo maadaama wadankooda uusan dagaal ka socon.

6. In la mamnuuco tuugsiga.

7. In la joojiyo lacagta la siiyo dadka magangalyo doonka ah inta ay sharciga sugayaan.

Tobias Billström ayaa mar la weydiiyay in ay arimahaan u sameynayaan maadaama ay ka cabsi qabaan xisbiga cunsuriga ah ee SD oo arimahaan ay ka midyihiin siyaasadooda, ayuu sheegay in aysan taasi sax ahayn. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in ay dowladu u jilicday siyaasada qalafsan ee SD oo bilihii la soo dhaafay aad kor ugu kacay dhinaca cododka aftida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here