Dowlada Sweden maxay ka ogeyd arinta Soomaalida lagu xiray Jabuuti?

3

Wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa qiratay in ay la socotay xaalada labo wiil oo Soomaali ah kuwaasoo shabaabhaysta dhalashada Sweden kuna xiran Maraykanka ka dib markii uu ka kaxaystay wadanka Jabuuti. Wiilashaan oo bishii Augusti la sheegay in ay ka soo bexeen Muqdisho ayaa lagu xiray Jabuuti ka dib markii la sheegay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Qaraabada wiilashaan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wiilashaan ay ka tirsanaayeen Alshabaab balse markii lagu qabtay Jabuuti ay isaga soo bexeen Shabaab oo ay doonayeen in ay dib ugu soo laabtaan Sweden. Wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa sheegtay in ay isku dayeen in ay dowlada Jabuuti ka codsadaan in wiilashaan Sweden gacanta loo soo galiyo balse arintaas ayaa ku dhamaatay “Fashil” sidaas waxaa yiri Anders Jörle oo ah afhayeenka wasaarada arimaha dibada Sweden.

Intii wadahadalka uu u socday Sweden iyo Jabuuti ayaa dowlada Maraykanka waxay wiilashaan u kaxaysatay New York iyagoo lagu eedeeyay in ay soo qaateen tababar argagixiso. Qaraabada wiilasha xiran ayaa sheegay in dowlada Sweden ay wax ka ogeyd qaadashada maraykanka isla markaana ay ogolaanshaha bixisay. Afhayeenka Wasaarada arimaha dibada Sweden ayaa diiday in uu cadeeyo in Sweden ay ogolaasho siisay Maraykanka iyo in kale.

Qareenka u doodaya wiilashaan ayaa sheegay in aysan wax dambi ah ka galin maraykanka isla markaana aysan cadeyn sababta lagu haysto raggaan. Si kastaba ha ahaatee, haddii lagu helo dambi argagixiso ayaa lagu xukumi karaa ilaa 30 sano oo xabsi ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here