Barnaaminka MSN oo la xirayo

23

Barnaamijka caanka ah ee Soomaalidu aadka ugu wada xiriiraan ee MSN ayaa lagu dhawaaqay in la xiri msndoono. Shirkada samaysay MSN ee Microsoft ayaa sheegtay in kama dambays bisha Maarso la xiri doono MSN guud ahaantiis.

Dadka isticmaala MSN ayaa loo wareejin doonaa barnaamijka Skype. Shirkada Microsoft ayaa horey u iibsatay Skype oo ay sameeyeen dhalinyaro Swedish ah. Ka dib iibsiga Skype ayay cadaatay in MSN aan loo baahnayn iyadoo Skype uu yahay mid ka casrisan MSN oo xitaa teleefoonada lagu wici karo.

Barnaamijka MSN ayaa ah mid qadiimi ah oo markii ugu horeysay la abuuray sanadkii 1999 iyadoo hada ay isticmaalaan dad gaaraya 300 milyan oo qof.

Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka MSN iyo Hotmail ayaa sanadihii dambe hoos u dhacay ka dib markii uu soo baxay bogga caanka ah ee Facebook.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here