9 bilyan oo lagu bixinayo arimaha Socdaalka

45

Baarlamaanka Sweden (Riksdagen) ayaa dhawaan go’aamiyay in lagu bixiyo arimaha socdaalka lacag migrationsverket-logogaareysa 9 bilyan oo karoon sanadkaan.  Lacagtaas ayaa kala bar waxaa lagu bixin doonaa lacagta la siiyo dadka soo galootiga ah iyo guryaha ay degayaan.

Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayaa la siin doonaa 3 bilyan oo karoon si ay ugu isticmaasho soo dhaweynta magan galyo doonka. Lacagtaas ayaa ah mid ku meel gaar ah oo la filayo in la siyaadiyo maadaama aan la ogeyn tirada dhabta ah ee Sweden iska dhiibi doonta. Qiyaasta hada ayaa ah 54000 oo qof in ay imaan karaan sanadkaan.

Magangalyo doonka iska dhiibaya Sweden ayaa hada maraya tiradii ugu badneyd, iyagoo dadka ugu badan ay ka soo firxadeen wadanka Siiriya. Soomaalida oo horay u ahaa dadka ugu badan ayaa hada aad hoos ugu dhacay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here