Xisbiga-dhexe (Centerpartiet) oo ku baaqay in xuduudaha loo furo soogalootiga

19

Xisbiga centerpartiet oo ka mid ah isbahaysiga  talada haya ayaa qorshe siyaasadeed cusub ku soo bandhigay in uu doonayo in Sweden ay xaduudaheeda u furto dadka soogaalotiga ah si loo xaliyo shaqaale la’aanta ka taagan shaqooyinka qaar.

Per Ankersjö oo masuul ka ah hormarinta siyaasada cusub ee xisbiga ayaa yiri ”qof kasta oo doonaya  in uu halkaan yimaado si uu mustaqbalkiisa halkaan oga samaysto,  waa in uu si fudud taasi u heli karo”. Johan Hedin oo arimaha socdaalka in uu ka hadlo u qaabilsan  xisbiga  Centerpartiet ayaa asna dhankiisa yiri, “Sweden dadku kuma badna, runtiina waxaan u baahanahay dib u habayn, gaar ahaan suuqa shaqada si dad halkaan u yimaadaan ayuu ku yiri wakaalada wararka Sweden, TT. Johan Hedin ayaa intaasi ku daray in sida kali ah oo xal loogu heli karo shaqaale la’aanta ay tahay in dal-ku-galkaba la joojiyo.

Hadalka Centerpartiet  ayaa  ku soo beegmay xili maalmahan warbaahinta Sweden ay tabisay in Sweden ay ku soo beegantahay shaqaale la’aan .  Hindisehaani tageero badan kama hasto isbahaysaga xisbigaani ka tirsanyahay oo hada haya talada Sweden.  “ Aniga iyo xisbigayguba ma taageersanin fakarkaan mana arko baahi loo qabo in sharciga laga dhigo mid sidaas u fur-furan intii uu fur-furnaan karay waa fur-furanyahay,” sidaasi waxaa yiri wasiirka socdaalk, Tobias Billström oo ka mid ah xisbiga Moderate-ka oo ah xisbiga ugu weyn isbahaysiga talada haya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here